Caadi ahaan arinkaste oo nolosha ka mid ah waxbaa sabab u ah in uu jiro.Tusaale ahaan, Qofku hadii uu ku dadaalo waxbarashadiisa inta badan sida la yaqaano waxa ay sababtaa in uu qofku heer sare ka gaadhayo bulshada uu ku dhex noolyahay.Hadaba arinta ugu muhiimsan ee ku keenta qofka wahsiga waa in uu qofkaasi aanu lahayn hadaf cad oo uu doonayo inuu gaadho.
Buug uu qoray Brian Tracy oo la idhaahdo (EAT THAT FROG) oo macnaheedu uu yahay cun rahaas ayaan dhowr qodob kasooqaadan doonaa oo ku sheegayo sida lagaga hortago wahsiga…
*Miiska Diyaari
Cutubka koobaad waxa uu ku sheegayaa in uu qofku hadii aanu garanayn wixii uu sameyn lahaa diyaarna u ahayn, in ay adkaan karto wixii uu sameyn lahaa maalinkaas uu joogo.dhowr qodob ayuu ku sheegayaa kuwaas oo kaa caawinkarta maalintaas in aad aarimahaaga dhamaysan kartid balse maalin walba:-
Go’aan qaado si cad arinka aad doonaysid in aad xaqiijiso
Waa muhiim in aad garan kartid waxa aad doonaysid in aad ku dhaqaaqdid oo aanad wakhti badan dayicin go’aanka iskaa u qaado amba qof aad ku kalsoontahay arinka u soo bandhig.
qor waxa aad doonaysid
ku dul fikir qalin iyo warqad, tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad qorshe raacdid oo arimuhu sida ay u kala muhiimsan yihiin u kala horeeyaan ukala sameysid.
U Habee Liiska aad Qortay si Qorshiyeysan
Adiga oo u kala habeenaya sida ay u kala muhimsan yihiin waa in aad u kala horeysiisa qorshaha u baahan in aad ku horeysid iyo ka xiliga dambe aad qabanaysid.
Hadafkaaga Kama Dambays u Samee
Hadaf aan lahyn kama dambays inta badan qofku hore uma qabto, waa in aad isku abuurtaa dareen deg-degsiimo leh.
Maalin Walba Xalli Arin aad Doonaysid in aad DHamaystirtid
Tani waxa ay keenaysaa in ay ku dhiiri galiso, oo mar walba oo aad dhamaysid hawl ku haysatay in aad dhiiranaan ka sii qaadid oo tartan ba tartan ka kasareeya aad hiigsatid.